Tuesday, September 15, 2015

SAFARKAYGII KIGALI-RWANDA


          


HORDHAC

Qormadaan wxn qoray anigoo ku sugan Kigali-Rwanda bishii August 2014, waxaana ku daabacay pagekayga facebook oo ahayd afar qaybood, Allah mahadii hadda ayaan jaanis u helay websitekayga gaarka ah inaan ku daabaco qormada oo dhamaystiran. fadlan commentigaaga gadaal kureeb.



MAXAAD KA TAQAAN DALKA RWANDA?

Rwanda waa dal yar oo ku yaal bariga iyo bartamaha afrika, dhanka waqooyi waxuu xuduud kala leeyahay Ugand, dhanka barina Tanzania, koonfurna Brundi, dhanka galbeedka waxaa ka xiga harada loo yaqaan Kivu iyo wadanka Congo.

Dalka Rwanda wuxuu ku fadhiyaa dhul lagu qiyaasay 26,338 Km Sq oo u dhiganta 10,169 mile oo wareeg ah. Magaalada ugu wayn ahna caasimadda dalka waa Kigali.
Tirakoob la sameeyey 2006dii ayaa lagu sheegay in  dadka (Population) Rwandeseka ah ay gaarayaan illaa 10 million. Luuqadaha rasmiga ah (Official languages) ee wadankan waa Kinyarwanda, French iyo English. Dadka waxay u qaybsanyihiin(ethnic groups) sadex qabiil oo kala ah: Hutu (85%) oo ah qolada ugu badan, Tutsi(15%) oo ah qolada ku xigta, talada wadankana haysa aadna ugu eg Soomaalida waana qabiilka uu kasoo jeedo madaxwayne Paul Kagame, iyo Twa(1%) oo ah qabiilka ugu yar.

Dadka ku dhaqan wadankan 56.5% waxay haystaan diinta Roman catholic, 26% waxay haystaan Protestant, 11.1% waxay ku dhaqmaan Adventist, nasiib darro 4.6% waa muslimiin waa tiro aad u yar.  





DHAQAALAHA DALKA RWANDA



Dhaqaalaha wadanka Rwanda waa mid ku tiirsan waxsoosaarka dhulka (agrarian). Dadka reer Rwanda 80% waa beeralleey, in ka badan 40% waxsoo saarka wadanka Gross Domestic Product (GDP)  waxuu ka imaadaa dhanka beeraha,  in ka badan 70% wadanka wuxuu dhoofiyo (exports) waa waxa kasoo baxa beeraha.  Waxsoo saarka cuntada (food production) ayaaa ah waxa ugu badan ee kasoo go’a beeraha wadankan. Kafeega iyo caleenta shaaha ayaa laga dhoofiyaa wadanka.

Dhanka adeegyada (service sector) ayaa ah mid meel muhiim ah kaga jira dhaqaalaha wadankan, 39% wax soo saarka wadanka (GDP) wuxuu ka imaadaa dhanka adeegga, 6% dadka reer Rwanda wxy ka shaqaystaan adeegga. Adeegyada ugu muhiimsana waxaa kamida adeegyada ay qabtaan bunuugta (Bank services) iyo adeegyada ay bixiyaan hoteelada (Hotel services). 

MAXAY QAALI U TAHAY NOLOSHA WADANKA?


Wadankan waa dal aad u yar badna aan lahayn (landlocked country), buuraleey ah, dhibaatooyin ay kamid yihiin colaado sokeeyana soo maray. Nolosha wadankan gaar ahaan magaalada caasimmadda ah ee Kigali waa saraysaa oo waa qaali, tusaale ahaan qoys soomaali ah oo halkan dagan oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inay noloshooda ku baxdo bishii wax ka badan $1000, guriga kiradiisana uu yahay $1200.
Hadaba maxaa sababay nolosha inay qaali noqoto? Wxn ku soo gaabsanaynaa labo arimood: Mida 1aad, wadankan bad malaha, waxyaabaha uu dhoofiyo ama lasoo dago waxay usoo maraan wadamado kale iyo dakado dalal kale ay leeyihiin sida Tanzania, taana waxay keentay in canshuurta lasaaro ay saamayso alaabaha ay lasoo dagaan. Mida 2aadna waxay tahay wadanka khayraadkiisa iyo kaabayaashiisa dhaqaale waa ay koobanyihiin, dowladda wadanka taladiisa haysana wxy xoogga saartaa horumarka(Development), iyo in adeegyada aasaasiga ah ay dadku helaan tusaale ahaan waxbarasha wadankan waa bilaash, sidaa darteed, dowladda wxy qaaddaa canshuur fara badan, taasina wxy keentay in nolosha ay saamayso.




MAXAAD KA OGTAHAY XASUUQII (GENOCIDE) DALKA RWANDA SANADKII 1994 KII?


Inkasta oo mujtamacyada ama qabaa'ilka Hutu-ga iyo Tut-sigu ay wadaagan luuqad keliya oo ay isku fahmaan, hadana waxaa labada qoomiyadood soo dhex yaallay dagaalo sokeeye oo qarni jirsaday, dalka Rwanda oo lagu tiriyo in ay iskaga danbeeyen laba maxmiyadood oo kala ahaa Germany iyo Belgium, ayaa lagu tiriyaa in labada qoomiyadood ay waagaasi muran badan ka dhex aloosnaa iyaga oo qabiilka Tut-sigu ahaayeen xoolo dhaqato, xagga kuwa Hut-guna ahaayeen beeralay.
Xasuuqu wuxuu bilaabmay 4-tii April sannadkii 1994kii ka dib markii dhulka la soo dhigay diyaarad ay la socdeen madaxweynahii waddanka Rwanda Juvenal Habyarimana, iyo Madaxweynahii waddanka Burundi Cyprien Ntaryamira, oo labadooduba ka soo jeeday qabiilka Hutu-ga. Hutu-gkii asal raaca ahaa ayaa iyaga oo adeegsanaya idaacado gudaha dalka Rwanda ku yaalla waxay baraarujin iyo dhiiri gelin badan ku sameeyen dadka iyagu asalkoogu Hutu-ga ka soo jeedo sidii loo gumaadi lahaa dadka Tutsiga ah, waxaa ciidamo iyagu ahaa qabiilka Hutu-ga iyo maleeshiyooyin taabacsana ay weeraro ku qaadeen goobihii ay degenayeen Tut-siga laga tirada badanyahay, xasuuqu wuxuu bilaabmay 7:00 subaxnimo 4 April 1994-kii iyaga oo Tut-siga loogu tegay guryahooda, goobaha ganacsiga, waxaa weliba loogu galay meelaha lagu cibaadaysto sida kiniisadaha, iyaga oo loo gawracay raxan raxan, muddo kooban gudahood ayaa waxaa lagu xasuuqay dad tiradoodu kor u dhaafayso 1 Million, oo qof, xasuuqu ha u badnaado xarunta waddanka Rwanda ee Kigali, koonfurta beri ilaa koonfur galbeed ee waddanka Rwanda.
Shalay wxn booqday matxaf(Museum) loo sameeyey in lagu xasuusto dadkii lagu xasuuqay wadankan. Matxafka waxaa la dhigay dadkii ku le’day xasuuqaas lafahoodii, qaar kamida sawiradoodii, iyo waliba faasaskii iyo hubkii lagu laayey. Sawirkii iigu xanuunka badnaa oo aan arko ayaa wuxuu ahaa qoys dhan oo inta la isku xirxiray ayagoo nool la duugay, waxaa kaloo matxafka yaallay silsiladdii iyo qufulkii lagu xirxiray.

Ugu dambayn, waxaa xusid mudan in uu ahaa xasuuqii ka dhacay wadankan kii ugu xumaa ee dunida soo mara waligeed. 20 sano kadib, xasuuqii ka dhacay dalkan wuxuu ku naaloonayaa nabad, barwaaqo, horumar, iyo caddaalad.



MAGAALADA KIGALI


Qormadan waxay ugu  dambaysaa qormooyin gaagaaban oo aan oga hadlayey safar gaaaban oo aan maalmahan ku joogay dalka Rwanda, gaaar ahaan xarunta wadankan ee Kigali. Waxan ugu talo galay asxaabta bal inay sawir ka qaataan dalka Rwanda. Waxan jeclaystay inaan qaybtan oga hadlo Kigali oo ah caasimadda dalka.
Kigali waa magaalada ugu wayn dalka Rwanda, waana caasimadda wadanka, waxayna ku taallaa bartamaha wadanka, Magaaladan waxaa la aasaasay sanadka markuu ahaa 1907 dii oo ahayd waqti uu dalkani gumaysanayey Germany. Kigali waxaa caasimad loo aqoonsaday markii uu dalkani xornimadiisa helay 1962 dii.
Kigali xillagan wxy ku fadhidaa dhul gaaraya 730km2, waxaana kunool dad gaaraya 1.2 million, tirakoobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey 2012 kii. Magaaladan waxay muhiim u tahay ganacsiga iyo waxsoo saarka dalka.
Kadib xasuuqii kadhanka ahaa qabiilka tutsiga ee ka dhacay wadankan 1994 kii, oo ay talada wadanka la wareegeen xisbiga hadda talada haya oo uu hogaamiyo madaxwayne Paul Kagame oo ah xisbiga lagu magacaabo Rwandan Patriotic Front (RPF), magaalada Kigali waxay samaysay horumar aan inaba caadi ahayn.
Magaalada Kigali waxyaabaha ay ku faanto waxaa kamida, in ay tahay caasimadaha afrika kuwa ugu nadaafadda badan, uguna ammaanka fiican xiligan. Nidaamka wadanka ka taliya aad ayuu ugu dadaalay bilicda magaalada. Arimahanoo dhan waxaa ka dhashay inay soo jiitaan maalgalinno caalami ah oo aad u baaxad wayn.
Dhanka waxbarashada magaalada waxaa ku yaalla illaa 184 dugsi (Primary schools), waxbarashada hoosana waa bilaash. Waxaa kaloo ku yaal illaa 11 jaamcadood oo isugu jira kuwo ay dowladda maamusho (Public intuitions) iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay (Private institutions), jaamacadaha ugu caansan waxaa kamida jaamacadda Rwanda (university of Rwanda) iyo jaamacadda Kigali (Kigali University). 


                                                DHAMMAAAD

abdallajisow@gmail.com

No comments:

Post a Comment