Wednesday, July 26, 2017

Turkiga oo Hormarinaya Nidaamka Difaaca ee Hawada



Xukuumadda Ankara ayaa xaqiijisay heshiiska iibsiga sawaariiqda ridada dheer ee ugu casrisan dunida oo loo yaqaan “S-400 missile” oo ay la galeen dalka Russia. Sawariiqdan ayaa ah systemka difaaca hawada ee miigaga, droneska iyo dhamaan diyaarada dagaalka. Hubkan waxaa soo saara dalka Russia. Wuxuuna wax ka toogan karaaa fogaan dhan 400 km oo dhanka hawada ah. Sawaariiqdan casriga ah wuxuu badalayaa noocii hore oo loo yaqaanay “S-300 missiles”. 

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Turkiga ujeedka ugu wayn waa in ay soo saraan mustaqbalka dhaw oo ay dhisaan nidaamka difaaca hawada oo ay ayagu leeyihiin. Turkiga ayaa doonaya in uu iska difaaco khatar kasta oo oga imaan karta dalalka gobolka oo uu kamid yahay dalka Giriigga oo ay muran dhanka dhulka ah kala dhexeeyo muddo fog. Dalka Gigiigga ayaa horay u haystay noocii ka horeeyey kan casriga ah ee loo yaqaan “S-300 missile”. 

Xukuumad kasta waxaa masuuliyad ka saarantahay difaaca dadkeeda, ciideeda iyo canalkeeda. Dalka Turkiga wuxuu tusaale xayi ah u noqon karaa dalalka caalamka islaamka oo aad moodo inay hurdo dheer ku jiraan. Xukuumadaha ka jira caalamka islaamka ee xiligan aynu noolnahay waxaad moodaa inay ayagu isku mashquulsanyihiin. 

Caalamka islaamku wuxuu u baahanyahay hogaan aragti fog, ilaashada qiyamkooda iyo dadnimadooda, sharafka umadooda, dhawra muqadasaadkooda, la tartama caalamka kale.

Thursday, February 23, 2017



Ra’iisal Wasaare Khayre, Ma u Qalmaa Xilka loo Magacaabay?


==========================================================================
Ra’iisal wasaaraha la magacaabay Mr. Xassan Cali Khayre anigu aqoon uma lihi waxaa iigu horaysay magaciisa saaka markii uu soo baxay warka sheegaya in madaxwaynaha uu u magacaabay ra’iisal wasaaraha  dalka afarta sano ee socota.

Dadka yaqaan masuulkan waxay ku sheegeen Khayre in uu yahay nin dhalinyara ah, aqoonyahan ah, khibrado shaqo oo gaarsiisan heer caalami ah leh, professional ah, hawlkar ah, edab badan. tilmaamahan waxaan is leeyahay waa sifaadkii lagu dooran lahaa masuuliyadda culus ee uu u doortay madaxwaynaha. Waana uu kasoo bixi karaa.

Eedaymaha lagu soo eedeeyey Khayre

Guddiga dabagalka ee Qaramada Midoobey (SEMG) ayaa bishii Maarso 2016 ku eedeeyey Xasan Cali Kheyre in uu xiriir la lee yahay ururo gaar ah. Bishii Luuliyo 2016 ayaa Qaramada Midoobey kiiskaan tirtiteen oo ka masaxeen Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale shirkadda SOMA OIL oo ka dhisan dalka ingiriiska oo Khayre masuuliyiinteeda kamid ahaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ku lug leedahay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin. Laakiin baaritaano kadib waa lagu waayey eedaymahaas.

Yaa eedaymaha ka dambeeyey?

Kadib markii lagu waayey eedaymahaaas ayaa waxa la is waydiiyey maxaa keenay in shakhsigan somaliga ah loo wasaykhaynayaa shaarkiisa? Shirkadda SOMA OIL iyo eedaymaha Khayre maxaa ka dhexeeya?

Waxaa la sheegay mar la doonayey in loo sharaxo Khayre in uu guudoomiye ka noqdo urur goboleedka IGAD, si looga hortago arinkaasna magaca masuulkaan ay tahay in la wasakheeyo. Waxayna dabada la gashay arimo siyaasadeed. Ugu dambayna dowladaha gobolka iyo kuwa carabta ayaa lagu tuhmay arinkaan.

Intaa waxaa dheer 2014 kii Khayre iyo SOMA OIL oo uu masuuliyiinteeda kamid ahaa waxay baaritaan iyo xog ururin ka sameeyeen badda soomaaliya waxay ku wareejiyeen wasaaradda macdanta iyo biyaha Soomaaliya si ay suuqyada caalamka ugu iib gayso si looga faa’iidaysto khayraadka dalka. Shaqadaas oo ay muhiim u ahayd qaranka soomaaliya.

Waa Norwijian

Dalkeena 26 sano ayuu burbursanaa dadka soomaaliyeed intoodii hal doorka ahayd waxaa loo qaxay dibadaha, sharciyo iyo waxbarasho iyo nololba waa laga helay. Qof in uu baasaboor dalka kale haystana inuu Somaali yahay kama tirtirayso. Madax waynaha umadda somaliyeed ku qanacsantahayba waa Somali-Amerikan, hadana waa nin isku kalsoon karti iyo aqoon uu umada ku hogaamiyana leh. Tusaale dalka Israel ee gacan ku rimiska ah waxaa uu ku taaganyahay ummadda yahuuda ee ku dhaqan kana shaqaysta dalalka galbeedka sida Maraykanka iyo Yurub. Soomaalida inta waxbaratay aqoonta iyo kartidana leh wadankooda jecel inay wax u qabtaan ma qabo inaan fogayno.

Maxaa nala gudboon?

Ugu dambayntii, dag daga iyo waxa loo yaqaan “Prejudement” oo ah in qofka la xukumo asagoon la ogayn waxa uu noqon doono dhaqan wanaagsan ma aha. Mudane Khayre umadda soomaaliyeed ha tijaabiso waqti hala siiyo haduu kasoo bixi waayo shaqadana halala xisaabtamo. Dalku waa dowlad baarlamaan iyo sharci baa jira. Dhalin yaradana waa mustaqbalkii dalka hankiinu haka waynaado reer hebel iyo xaafad hebel. Dalkan anagaa iska leh aan ka shaqayno wanaagiisa iyo horumarintiisa.


Umadda soomaaliyeedna cadowgeeda ma yara dalalka gobolka, dowladaha carabta, iyo kuwa reer galbeedkaba dalkeena daacad kama aha la shaqayntiisa. Shacabka waxaa laga rabaa inay ilaalishadaan midnimadooda, la shaqeeyaan hogaankooda iyo in meel qura oga soo wada jeestaan cidkasta oo qaranimada, midnimada iyo danaha umada soomaaliyeed hor taagaan. 

Saturday, September 3, 2016

Gobolka Gedo



Waa markii iigu horaysay oo aan imaado ama arko gobolka Gedo oo kamida gobolada dhaca koonfurta Soomaaliya, waxaan nasiib u yeeshay inaan safar gaaban oo shaqo ku imaado. Gobolka Gedo wuxuu ka koobanyahay lix degmo (1991 kahor kuwii la ogaa): Garbahaareey(caasimadda gobolka), Baardheere, Beladxaawo, Luuq, Ceelwaaq, iyo Dooloow.

Waxyaabaha uu gaarka layahay gobolka waxaa kamida in uu daris layahay labo wadan oo daris ah (Kenya & Ethiopia). Wuxuu kaloo kaga duwanyahay gobolada kale ee dalka lixdiisa degmo shan kamid ah in uu wabi maro.

Gedo waa gobolka keliya ee Soomaaliya ku yaal ee ay maraan laba webi Sida degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow waxaa mara wabiga Daawo, halka degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere uu Maro webiga Jubba, Degmada Luuq waa meel Jasiirad oo kale ah oo biyo ku hareereysan yihiin waxaana laga galaa Buundo aad u weyn oo ay dhistey dowladdii dore ee Soomaaliya waana meelaha Soomaaliya ugu Barwaaqada badan oo sanadka oo idil dhirteedu ay cagaaran tahay,degmada Luuq waa halka uu ka bilowdo wabiga Jubba waxaana uu ka samaysmaa isku darka Sadexda webi ee Ganaane, Daawo,iyo weyb ee ka kala yimaada dalalka Kenya iyo Ethiopia waxaa kaloo jirta iyana il biyo leh oo u dhow degmada oo qeyb weyn ka qaadata biyaha webiga Jubba.

Waa laga dareemayaa gobolka saamayntii burburka, dowlad la’aanta iyo colaadaha wadanka soo maray dhanka kaabayaasha nolosha sida wadooyinka, korontada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ugu dambayntii bulshada reer gedo waa dad sharaf badan aadna u soora martida, jecel horumarka, waxan u rajaynayaa barwaaqo iyo badhaadhe insha Allah. 

Tuesday, September 29, 2015




Aduunka ha isu yimaadee, anaga xageen kaga jirnaaa!!!!!!?


Natiijada sawirka united nationsNatiijada sawirka united nations




Maalmahan dunida waxay ku shirsantahay USA, waxaa isugu yimid hogaamiyayaasha 193da wadan ee uu aduunka ka koobanyahay, ciwaanka shirka waa 17 SUSTAINABLE DEVELOPMENT GOALS (SDGs) Iyo sidii loo xaqiijin lahaa ujoodinkaaaaas marka la gaaro 2030. Somaliya shirka waxaa u matalaya madaxwaynaha iyo ra’iisal wazaaraha DFS.
193da wadan ee Maraykanka isugu tagay waxay ka koobanyihiin deeq bixiyayaal(Donors), iyo kuwo qaata (Receivers). Anaga kuwee ku jirnaaa?
Wxy isugu jiraaaan kuwo horumaray (developed countries) iyo kuwo aanan horumar ka jirin (LDCs), anaga kuwee baan kamid nahay?
Wxy isugu jiraan wadamo guulaystay (successful countries) iyo kuwo guul daraystay (Failed Countries), anaga kuwee nahay?
Wxy isugu jiraan wadamo hodan ah (Rich Countries) iyo kuwo faqiir ah (Poor Countries), kuwee ku jirnaa?
Wxy isugu jiraan wadamo musuqa iyo wax isdaba marinta safka hore kaga jira (Corrupt countries), iyo kuwo kafiican cudurkaaas (Less Corrupt Countries).
War xageeeen aduunka kaga jirnaa??
Halkaan joogno maxaa ina dhigay??
Maxaa nala gudboon??

Runtii waa su’aalo u baahan inuu iswaydiin karo muwaadin kastoo Somali ah.


Tuesday, September 15, 2015

SAFARKAYGII KIGALI-RWANDA


          


HORDHAC

Qormadaan wxn qoray anigoo ku sugan Kigali-Rwanda bishii August 2014, waxaana ku daabacay pagekayga facebook oo ahayd afar qaybood, Allah mahadii hadda ayaan jaanis u helay websitekayga gaarka ah inaan ku daabaco qormada oo dhamaystiran. fadlan commentigaaga gadaal kureeb.



MAXAAD KA TAQAAN DALKA RWANDA?

Rwanda waa dal yar oo ku yaal bariga iyo bartamaha afrika, dhanka waqooyi waxuu xuduud kala leeyahay Ugand, dhanka barina Tanzania, koonfurna Brundi, dhanka galbeedka waxaa ka xiga harada loo yaqaan Kivu iyo wadanka Congo.

Dalka Rwanda wuxuu ku fadhiyaa dhul lagu qiyaasay 26,338 Km Sq oo u dhiganta 10,169 mile oo wareeg ah. Magaalada ugu wayn ahna caasimadda dalka waa Kigali.
Tirakoob la sameeyey 2006dii ayaa lagu sheegay in  dadka (Population) Rwandeseka ah ay gaarayaan illaa 10 million. Luuqadaha rasmiga ah (Official languages) ee wadankan waa Kinyarwanda, French iyo English. Dadka waxay u qaybsanyihiin(ethnic groups) sadex qabiil oo kala ah: Hutu (85%) oo ah qolada ugu badan, Tutsi(15%) oo ah qolada ku xigta, talada wadankana haysa aadna ugu eg Soomaalida waana qabiilka uu kasoo jeedo madaxwayne Paul Kagame, iyo Twa(1%) oo ah qabiilka ugu yar.

Dadka ku dhaqan wadankan 56.5% waxay haystaan diinta Roman catholic, 26% waxay haystaan Protestant, 11.1% waxay ku dhaqmaan Adventist, nasiib darro 4.6% waa muslimiin waa tiro aad u yar.  





DHAQAALAHA DALKA RWANDA



Dhaqaalaha wadanka Rwanda waa mid ku tiirsan waxsoosaarka dhulka (agrarian). Dadka reer Rwanda 80% waa beeralleey, in ka badan 40% waxsoo saarka wadanka Gross Domestic Product (GDP)  waxuu ka imaadaa dhanka beeraha,  in ka badan 70% wadanka wuxuu dhoofiyo (exports) waa waxa kasoo baxa beeraha.  Waxsoo saarka cuntada (food production) ayaaa ah waxa ugu badan ee kasoo go’a beeraha wadankan. Kafeega iyo caleenta shaaha ayaa laga dhoofiyaa wadanka.

Dhanka adeegyada (service sector) ayaa ah mid meel muhiim ah kaga jira dhaqaalaha wadankan, 39% wax soo saarka wadanka (GDP) wuxuu ka imaadaa dhanka adeegga, 6% dadka reer Rwanda wxy ka shaqaystaan adeegga. Adeegyada ugu muhiimsana waxaa kamida adeegyada ay qabtaan bunuugta (Bank services) iyo adeegyada ay bixiyaan hoteelada (Hotel services). 

MAXAY QAALI U TAHAY NOLOSHA WADANKA?


Wadankan waa dal aad u yar badna aan lahayn (landlocked country), buuraleey ah, dhibaatooyin ay kamid yihiin colaado sokeeyana soo maray. Nolosha wadankan gaar ahaan magaalada caasimmadda ah ee Kigali waa saraysaa oo waa qaali, tusaale ahaan qoys soomaali ah oo halkan dagan oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inay noloshooda ku baxdo bishii wax ka badan $1000, guriga kiradiisana uu yahay $1200.
Hadaba maxaa sababay nolosha inay qaali noqoto? Wxn ku soo gaabsanaynaa labo arimood: Mida 1aad, wadankan bad malaha, waxyaabaha uu dhoofiyo ama lasoo dago waxay usoo maraan wadamado kale iyo dakado dalal kale ay leeyihiin sida Tanzania, taana waxay keentay in canshuurta lasaaro ay saamayso alaabaha ay lasoo dagaan. Mida 2aadna waxay tahay wadanka khayraadkiisa iyo kaabayaashiisa dhaqaale waa ay koobanyihiin, dowladda wadanka taladiisa haysana wxy xoogga saartaa horumarka(Development), iyo in adeegyada aasaasiga ah ay dadku helaan tusaale ahaan waxbarasha wadankan waa bilaash, sidaa darteed, dowladda wxy qaaddaa canshuur fara badan, taasina wxy keentay in nolosha ay saamayso.




MAXAAD KA OGTAHAY XASUUQII (GENOCIDE) DALKA RWANDA SANADKII 1994 KII?


Inkasta oo mujtamacyada ama qabaa'ilka Hutu-ga iyo Tut-sigu ay wadaagan luuqad keliya oo ay isku fahmaan, hadana waxaa labada qoomiyadood soo dhex yaallay dagaalo sokeeye oo qarni jirsaday, dalka Rwanda oo lagu tiriyo in ay iskaga danbeeyen laba maxmiyadood oo kala ahaa Germany iyo Belgium, ayaa lagu tiriyaa in labada qoomiyadood ay waagaasi muran badan ka dhex aloosnaa iyaga oo qabiilka Tut-sigu ahaayeen xoolo dhaqato, xagga kuwa Hut-guna ahaayeen beeralay.
Xasuuqu wuxuu bilaabmay 4-tii April sannadkii 1994kii ka dib markii dhulka la soo dhigay diyaarad ay la socdeen madaxweynahii waddanka Rwanda Juvenal Habyarimana, iyo Madaxweynahii waddanka Burundi Cyprien Ntaryamira, oo labadooduba ka soo jeeday qabiilka Hutu-ga. Hutu-gkii asal raaca ahaa ayaa iyaga oo adeegsanaya idaacado gudaha dalka Rwanda ku yaalla waxay baraarujin iyo dhiiri gelin badan ku sameeyen dadka iyagu asalkoogu Hutu-ga ka soo jeedo sidii loo gumaadi lahaa dadka Tutsiga ah, waxaa ciidamo iyagu ahaa qabiilka Hutu-ga iyo maleeshiyooyin taabacsana ay weeraro ku qaadeen goobihii ay degenayeen Tut-siga laga tirada badanyahay, xasuuqu wuxuu bilaabmay 7:00 subaxnimo 4 April 1994-kii iyaga oo Tut-siga loogu tegay guryahooda, goobaha ganacsiga, waxaa weliba loogu galay meelaha lagu cibaadaysto sida kiniisadaha, iyaga oo loo gawracay raxan raxan, muddo kooban gudahood ayaa waxaa lagu xasuuqay dad tiradoodu kor u dhaafayso 1 Million, oo qof, xasuuqu ha u badnaado xarunta waddanka Rwanda ee Kigali, koonfurta beri ilaa koonfur galbeed ee waddanka Rwanda.
Shalay wxn booqday matxaf(Museum) loo sameeyey in lagu xasuusto dadkii lagu xasuuqay wadankan. Matxafka waxaa la dhigay dadkii ku le’day xasuuqaas lafahoodii, qaar kamida sawiradoodii, iyo waliba faasaskii iyo hubkii lagu laayey. Sawirkii iigu xanuunka badnaa oo aan arko ayaa wuxuu ahaa qoys dhan oo inta la isku xirxiray ayagoo nool la duugay, waxaa kaloo matxafka yaallay silsiladdii iyo qufulkii lagu xirxiray.

Ugu dambayn, waxaa xusid mudan in uu ahaa xasuuqii ka dhacay wadankan kii ugu xumaa ee dunida soo mara waligeed. 20 sano kadib, xasuuqii ka dhacay dalkan wuxuu ku naaloonayaa nabad, barwaaqo, horumar, iyo caddaalad.



MAGAALADA KIGALI


Qormadan waxay ugu  dambaysaa qormooyin gaagaaban oo aan oga hadlayey safar gaaaban oo aan maalmahan ku joogay dalka Rwanda, gaaar ahaan xarunta wadankan ee Kigali. Waxan ugu talo galay asxaabta bal inay sawir ka qaataan dalka Rwanda. Waxan jeclaystay inaan qaybtan oga hadlo Kigali oo ah caasimadda dalka.
Kigali waa magaalada ugu wayn dalka Rwanda, waana caasimadda wadanka, waxayna ku taallaa bartamaha wadanka, Magaaladan waxaa la aasaasay sanadka markuu ahaa 1907 dii oo ahayd waqti uu dalkani gumaysanayey Germany. Kigali waxaa caasimad loo aqoonsaday markii uu dalkani xornimadiisa helay 1962 dii.
Kigali xillagan wxy ku fadhidaa dhul gaaraya 730km2, waxaana kunool dad gaaraya 1.2 million, tirakoobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey 2012 kii. Magaaladan waxay muhiim u tahay ganacsiga iyo waxsoo saarka dalka.
Kadib xasuuqii kadhanka ahaa qabiilka tutsiga ee ka dhacay wadankan 1994 kii, oo ay talada wadanka la wareegeen xisbiga hadda talada haya oo uu hogaamiyo madaxwayne Paul Kagame oo ah xisbiga lagu magacaabo Rwandan Patriotic Front (RPF), magaalada Kigali waxay samaysay horumar aan inaba caadi ahayn.
Magaalada Kigali waxyaabaha ay ku faanto waxaa kamida, in ay tahay caasimadaha afrika kuwa ugu nadaafadda badan, uguna ammaanka fiican xiligan. Nidaamka wadanka ka taliya aad ayuu ugu dadaalay bilicda magaalada. Arimahanoo dhan waxaa ka dhashay inay soo jiitaan maalgalinno caalami ah oo aad u baaxad wayn.
Dhanka waxbarashada magaalada waxaa ku yaalla illaa 184 dugsi (Primary schools), waxbarashada hoosana waa bilaash. Waxaa kaloo ku yaal illaa 11 jaamcadood oo isugu jira kuwo ay dowladda maamusho (Public intuitions) iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay (Private institutions), jaamacadaha ugu caansan waxaa kamida jaamacadda Rwanda (university of Rwanda) iyo jaamacadda Kigali (Kigali University). 


                                                DHAMMAAAD

abdallajisow@gmail.com