Saturday, September 3, 2016

Gobolka Gedo



Waa markii iigu horaysay oo aan imaado ama arko gobolka Gedo oo kamida gobolada dhaca koonfurta Soomaaliya, waxaan nasiib u yeeshay inaan safar gaaban oo shaqo ku imaado. Gobolka Gedo wuxuu ka koobanyahay lix degmo (1991 kahor kuwii la ogaa): Garbahaareey(caasimadda gobolka), Baardheere, Beladxaawo, Luuq, Ceelwaaq, iyo Dooloow.

Waxyaabaha uu gaarka layahay gobolka waxaa kamida in uu daris layahay labo wadan oo daris ah (Kenya & Ethiopia). Wuxuu kaloo kaga duwanyahay gobolada kale ee dalka lixdiisa degmo shan kamid ah in uu wabi maro.

Gedo waa gobolka keliya ee Soomaaliya ku yaal ee ay maraan laba webi Sida degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow waxaa mara wabiga Daawo, halka degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere uu Maro webiga Jubba, Degmada Luuq waa meel Jasiirad oo kale ah oo biyo ku hareereysan yihiin waxaana laga galaa Buundo aad u weyn oo ay dhistey dowladdii dore ee Soomaaliya waana meelaha Soomaaliya ugu Barwaaqada badan oo sanadka oo idil dhirteedu ay cagaaran tahay,degmada Luuq waa halka uu ka bilowdo wabiga Jubba waxaana uu ka samaysmaa isku darka Sadexda webi ee Ganaane, Daawo,iyo weyb ee ka kala yimaada dalalka Kenya iyo Ethiopia waxaa kaloo jirta iyana il biyo leh oo u dhow degmada oo qeyb weyn ka qaadata biyaha webiga Jubba.

Waa laga dareemayaa gobolka saamayntii burburka, dowlad la’aanta iyo colaadaha wadanka soo maray dhanka kaabayaasha nolosha sida wadooyinka, korontada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ugu dambayntii bulshada reer gedo waa dad sharaf badan aadna u soora martida, jecel horumarka, waxan u rajaynayaa barwaaqo iyo badhaadhe insha Allah.